Aasaasayaasha jaamacadda waxa ay dajiyeen ahdaaf Iyo yoolal cad cad kuwaasi oo jaamacaddu ku socon doonto in ay gaadho sababto oo ah goobaha doonaya in ay horumar gaadhaan waa in ay leeyihiin ahdaaf cad cad oo ay hiigsanayaan oo.oo bulshadana usoo ban dhigaan Waxaa kamid ah Ahdaafta 

1-  in ay Noqoto Jaamacadda kaliya ee Soomaaliyeed ee habka online-ka ku bixisa waxbarashada Sare oo tayo leh isla markaana laga dhigto dalka & dibadda 

2 - in Arday walba deegaankiisa loogu geeyo waxbarasho tayo leh Culimo & Barayaal Aqoon & Khibrad Leh iyo Shahaado laga Aqoonsanyahay 

3- Soo saaridda Midho/Aqoonyahanno/Culimo     Aqoon ballaadhan u Leh Wixii ay jaamacadda ka barteen Karti & Caqiido Wanaagsan Leh Bulshadoodna Wax ku biiriya iyo in ay noqdaan culimada barri hogaamiyayaasha barri

4- Gaadhsiinta cilmiga shareecada iyo caqiidada Salafka dhammaan gayiga Soomaalida si loo helo Bulsho aqoon u leh doontooda & Caqiidada saxda ah .

5. KU Faafinta Luuqadda Carabida & Cilmiga maadiga     dhammaan gayiga Soomaalida si loo helo bulsho Aqoon uleh Luuqadda diintooda & Cilmiga maadiga ah 

6. In Jaamacadda RAYAAN ay Noqoto Jaamacadda ugu qiimaha jaban dhammaan jaamacadaha dalka si ardayda Soomaaliyeed loo garab istaago 

7. Jaamacadda Rayaan in ay Furato ka furato Faracyo Wadammada Caalamka iyo jaarka si Fariinta jaamacadda loo gaadhsiiyo bulshooyinka kale.